Muqdisho (AGGM): Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa xalay waxa ay faafifeey in kulan casho ah oo ay ka qeeyb galeen Madaxweeyne Xasan Sheekh, R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, Wakiilka QM Ambssador Nicholas Kay, AMISOM,wakiilo ka socday dalalka Itoobiya, Kenya iyo wakiilo ka socday horjoogaha maleshiyo beeleedka Raaskambooni.
Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay xiriir toos ah la sameeysay labada xafiis ee Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo mas’uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano, Wasiiro, qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada, howl-wadeeno ka shaqeeyo xafiisyada dowladda iyo odoyaasha dhaqanka Jubbooyinka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, dhamaantoodna waxa ay inoo xaqiijiyeen sidan:
Xalay kulan casho ah kama uusan dhicin Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee waxaa ka dhacay kulan Afur ah waxaana ka qeeyb galay kulankaas Madaxweeyne Xasan Sheekh, R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, Wakiilka QM Ambssador Nicholas Kay, AMISOM , kulankaas Afurka ahna ma aysan ka qeeybgalin Kenya, Itoobiya iyo wakiilo ka socda horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.
Kulankan ayaa waxa uu ahaa kulan Afur iyo iswareeysi ah mana uusan lahayn wax Ajande ah oo gaar ah oo quseeya deegaano gaar ah, Axmed Madoobe waxa uu kamid yahay dhinacyada isku haya gobolada Jubbooyinka, haddii isaga la qaabilayana waa inay goojoog ahaadaan garabyada kale ee ay is hayaan amaba kasoo horjeeda.
Dhamaan dadkaanu wareeysanay ayaa waxa ay isweeydiinayaan ujeedka ka dambeeya in qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ay faafiyaan had iyo jeer warar been abuur ah oo laga faafinayo Madaxda dowladda Soomaaliya, balse mid kamid ahaa dadki aanu wareeysanay ayaa waxa uu inoo sheegay in qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ay ku warereen Siyaasada Soomaaliya, sidaa awgeedna ay keeni karto in ay kala saari wayaaan warka ay jeclaayeen in ay maqlaan iyo warka xaqiiqda ah ee jira markaas, waana ayaan daro la soo daristay Warbaahinta sidaa u dhaqanta.
Kooxaha baahinaya wararka been abuurka ah waa inay ku fakaraan sidan, Marnaba dowladda Soomaaliya dhici meeyso inay dulanto amaba xaqirto awooda iyo xuquuqda ay leeyihiin Beelaha wada daga Jubbooyinka, taa oo loola jeedo, Jubbooyinka waxaa daga ku dhawaad 40 beelood oo Soomaaliya, dowladda mid inta ay qaadato amaba yeesho fikirkiisa ama waxa uu doonayo 39-ka kale ee beeloodna kama tagayso oo diidi meeyso waxeey doonayaan, taa waa in ay fahmaan warbaahinta been abuurka joogtada ah faafiya.
Isku soo wada duuboo xalay ayay ahayd marki warbaahinta Allgalgaduud Media ay baaritaan iyo kadaba tag ku soo sameeysay warar ay daabaceen qaar kamid ah warbaahinta oo sheegayay in Khilaaf u dhexeeyo madaxda Sare ee dowaldda Soomaaliya warkaas oo bataatanba aha warar been ah, ayaa waxaa gabagabadi qoraalkeenaas waxaanu ku niri haddana ku oranaynaa kooxaha aaminsan fikirka ah (Tiinana Waanu Idinla Leenahay, Taayadana Waa Noo Gaar) waxaan kula talinaynaa afar sano kadib suga in uu dhaco khilaaf amaba kala fikir duwanaasho u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.
Cali Jaamac Dhuubane
Muqdisho, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com