Muqdisho(AGGM) Kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay inay qayb ka yihiin Falaagada Alshabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar culus ku qaadeen guriga Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo Xasan Macalim Axmed Biikolo,Waxaana la sheegay inuu halkaasi ka qarxay iska hor imaad xoogan oo u dhexeyey labada dhinac kaasi oo sababay dhaawac iyo dhimasho.
Ilaaladda gudoomiyaha ayaa la sheegay inay ka dhaawacmeen 3 askari iyadoo wararka qaarkeed sheegayaan inuu sidoo kale dhintey askari ka mid ah ilaaladiisa,waxaaana sidoo kale la shaaciyey in saaka nawaaxiga Guriga gudoomiyaha ee weerarka lagu qaaday lagu arkay laba ruux oo mayd ah kuwaasi oo loo malaynayo kooxdii weerarka soo qaaday.
Xasan Macali Axmed Biikolo oo saaka saxafada kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa daboolka ka qaaday in weerarkaasi ahaa mid qorsheysan isla markaasna kooxda Alshabaab ku doonayeen inay ku qaraajiyaan balse ay ciidamadiisu iska difaaceen isla markaasna ay talaabo ka qaadeen kooxdii weerarka soo qaadey.
Sidoo kale waxaa uu gudoomiyuhu sheegey in weerarkaasi ahaa mid xoogan oo kooxda Alshabaab soo qorsheysay waxaana uu sheegay in weerarkaasi ay iska difaaceen isla markaasna ay talaabo adag ka qaadeen kooxdii weerarka soo qaaday,waxaana uu shaaciyey in dhibaatadii halkaasi ka dhacay ay ahayd qorsho Alshabaab ku doonayeen inay dhibaateeyaan shacabka Sooman.
Ugu dambeyntii gudoomiye Biikolo waxaa uu shaaciyey in dhibaatada dalka Soomaaliya ka socota ay la mid tahay ta alshabab ka wadaan Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan koonfurta dalka Soomaaliya,waxana uu sheegay in Alshabab hadda dalka laga sifeeyey isla markaasna ay nafla caari yihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com