Kismaayo (AGGM): Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu magaaladaasi ka dhacay qarax.
Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay aafafka hore ee warshada Hargaha ee wadad isku xirta Madaxtooyada iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa waxa uu reebay dhaawaca hal qof oo rayid ah, mana ay jiraan cid kale oo ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxan.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa marayay gaadiidka shacabka mana ay jiraan waqtigaas wax ciidan ah oo ku sgnaa maba marayay wadadaas.
Ilaa hadda ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya ciidamada Kenya ee dalka ku soo duulay iyo Dabaqoodhiga.
Isku soo wada duuboo waxaa dhawaanahan soo badanayay qaraxyada ka dhacaya gudaha magaalada Kismaayo, dadka ku sugan magaalada ayaana waxay qaraxyadan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan garab kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo horey uga tirsanaan jiray falaagada Al Shabaabka Jubbada dhexe balse kusoo biiray Raaskambooni dhawaan marki ay dagaalada ka socdeen magaalada Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com