Xog Dhab Ah: Maxaad Kala Socotaa Xaalada Caafimaad Ee Axmed Madoobe?

0

WhiteBackground_AdjustableNairobi (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in ay aad u liidato xaalada Caafimaad ee Axmed Madoobe.

Warkan ayaan intaasi waxa uu ku darayaa in xaalada caafimaad ee Axmed Madoobe aad looga deeyrinayo oo dhawaanahanba laga hayay dhinacyo badan oo sida la sheegayna uusan cesha karin Kaadida iyo Saxarada.

Dhaqaatiirta isbitaalka ciidamada Kenya ee (Defence Forces Memorial Hospital) ee magaalada Nairobi oo ah halka lagula tacaalayay dhawaanahan ayaa wax ay Axmed Madoobe u qoreen in uu xirto Xafaayada dadka waaweeyn (Diapers For Adults) kadib marki wax laga qaban waayay xaaladiisa caafimaad.

Dhinaca kale dhaqaatiirta Isbitaalka (Defence Forces Memorial Hospital) ayaa waxa ay Axmed Madoobe kula taliyeen inuu marka uu safarka aadayo uu qaato cadad ku filan mudada uu ka maqnaanayo magaalada Nairobi, sidoo kale waxa ay u sheegeen inuu maalinti iskabadalo  Xafaayada 5 jeer.

Haddaba dadka waxa ay isweeydiinayaa nin isaga oo dadka dhex fadhiya isku kaadinaya ama isku saxaroonaya miyuu qaadi karaa wax mas’uuliyad ah?

Isku soo wada duuboo Axmed Madoobe ma uu ahan Horjoogihi ugu horeeyay ee ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya ku soo hogaamiya oo la ogaado inuusan ceshan karin Kaadida iyo saxarada taa oo aan lagaran karin sababta ugu wacan Horjoogeyaasha ciidamada shisheeye soo horkaca.

WhiteBackground_Adjustable

C/llaahi Guuleed Jaamac (Dhabarloow)
dhabarloow1@gmail.com
Nairobi, Kenya

Fadlan, Waxii dhaliil amaba amaan ah kala xiriir cinwaanka qoraha soo gudbiyay Warbixintan, dhabarloow1@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com