Muqdisho(AGGM) Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ka warbixiyay howlo shaqo oo uu u tegay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, isagoo shaaciyay in uu aad u wanaagsanyahay ammaanka wadada u dhexeysa gobollada Baay iyo Banaadir.
Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi iyo wafdigii uu hogaaminayay oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlihii ay u tegeen Baydhabo ay ku soo guuleysteen, islamarkaana ay jiraan wada shaqeyn buuxdo oo ka dhexeysa ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee halkaasi ku sugan.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa daboolka ka qaaday in intii ay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo ay ka qayb galeen xaflad sagootin ah oo halkaasi loogu sameeyay ciidankii Ethiopia oo isaga baxay magaaladaasi,waxaana uu intaa ku daray inay kulamo la qaateen saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo uu xusay in u jeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee ay ciidamadu ku suganyihiin.
Ugu damebyntii Jeneraal C/risaaq Khaliif ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka ku sugan gobolka Baay loo qaybiyay mushaaraadkooda, isagoo kula dar daarmay in ay si hufan u gutaan howlaha loo idmaday ee ah ka shaqeynta amniga,ilaalinta xaquuqda shacabka iyo hantidooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com