Daawo Uhuru Kenyatta Oo Bakhti Ku Afuriyay Koox Dabadhilif U Ah.

0

uhuru afurNairobi: Madaxweynaha Kenya oo ah nin gacan ku dhiigle ah oo dacwad ay uga socoto Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Hague ayaa maanta neef bakhti ah u kariyay koox dabadhilif u ah oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xaaji Maxamed oo mar dalka Kenya ka soo noqday wasiirka gaashaandhigga. Kooxdan oo u badnayd Soomaali ka soo jeeda gobolka baahida badani ay ka jirto ee NFD ayaa si la yaab leh u fashuuqsaday cadad laga soo jaray neef bakhtiyay iyagoo ka daba cantuugay dhalooyin khamri ah.

Markii ay bakhtiga iyo khamrada ka dhergeen ka dib ayuu Uhuru Kenyatta tujiyay salaadda maqribka oo waqtigeedii la dhaafay isagoo u soo labbistay sidii sheikh Muslim ah. Salaadda waxaa lagu tukaday fadhiga waxaana loo jeestay jihada Kismaayo iyadoo uu halkaas Shiikh Uhuru oo aabbihiis Joomo ku tawasulay uu u mariyay duco af Sawaaxili ah. Qaar ka mid ah kooxdan daba dhilifka ah ayaa la soo sheegay in ay dawakhmeen oo gaari gacanno looga qaaday goobta.

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka tirsan dabadhilifyadii ka qaybgalay bakhti ku afurka, wuxuu Uhuru aabbihiis Joomo iyo hooyadiis Ngina ka tuugay in uu ka qabto ciidanka xoogga dalka ee kulaalaya duleedka Kismaayo iyo kumannaanka Soomaalida ah ee dacwada iyo dibadbaxyada ka ridaya daafaha caalamka.

Waa markii ugu horreysay ee koox dhar islaam xiran ay ku afuraan bakhti iyo khamri iyagoo imam ka dhigtay nin aan diinta Islaamka aamminsanayn.uhuru afur

Maxamuud Cali  Khalaf
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com