Shariif Shiikh Axmed: Ka Mid Ahi Kooxaha Dawladda Ka Soo Horjeeda

0

shariif-g231Kampala(AGGM) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuusan ka mid aheyn kooxda cusub oo dadka Soomaaliyeed u bixiyeen “Qas-wadeyaal” kuwaas oo maalihii ugu dambeeyay isku aruursanahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

“Anigu waan ka yaabay markaan maqlay wararka sheegaya inaan ka mid ahay kooxda cusub, waa wax iska cad inaan ku jirin, waayo anigu mucaarad maahi, waxaan si cad ummada Soomaaliyeed ugu sheegay in cod la iiga adkaaday, uguna hambalyeeyay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, hadana ma dhici karto in fowdo iyo qas wax ku raadiyo” ayuu madaxweyne Sheekh shariif u sheegay rag gurigiisa kula soo afuray, kuwaas oo diiday in magacyadooda la xuso.

“Muraadku waa inuu ahaa mid wax dhisaya oo fikradihuuyi yimiin kuwa cad oo danaha qaranka waafaqsan, in wax la dumiyse uma arko mucaaradnimo ee waa fowdo iyo qas” ayuu madaxweyne Sheekh shariif aaminsanyahay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegay in kooxda Kenya ku shirtay uu fikir ahaan qeyb ka yahay Madaxweyne Sheekh Shariif, laakiin sida muuqa isku fikir maahan isaga iyo kooxda Kenya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa tan iyo markii uu xilka madaxtinimada dalka ku wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu diiday inuu warbaahinta kala hadlo arrimaha siyaasadda dalka, taas oo uu ku macneeyay inuu yahay Arday aan waqti badan u heyn sheekada siyaasadda.

Isbaheysiga Mucaaradka ah ee Kenya isku baheystay ayaa dadka Soomaaliyeed fikiro kala duwan ka bixiyeen, hase ahaatee 80% waxaa dadku aaminsan yihiin inay yihiin siyaasiyiin fashilantay oo doonaya inay soo noolaadaan, isla markaana u adeegaya danaha shisheeye, gaar ahaan Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com