Maxamed Ugaas Xaashi Oo La Sheegayo Inuu Lug Kaga Baxay Magaalada Kismaayo,Xagee Aaday?

0

maxamed-ugaas-xaashiKismaayo(AGGM) Maxamed Ugaasi Xaashi oo ka mid ahaa Ergaddi dhawaan dooratey Hogaanka Jabhadda Raaskambooni  Axmed Madoobe ayaa la sheegay in isaga iyo kooxdii uu dhawaan diyaaradaha kaga soo daabulay  Tuulooyinka Gobolka Gedo ay Magaalada Kismaayo si dhumasho ah kaga baxeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa warbaahinta Allgalgaduud ka soo gaaraya arrimahaasi,waxaana la sheegaya in dhac iyo boob loo geystey guri ay ka daganayeen Magaalada Kismaayo isla markaasna aan looga tagin shay wax kasta oo ay haysteen,waxaana la sheegay in sidoo kale digniin loo jeediyey ku aadan inay Magaalada ka baxaan.

Wararkan Allgalgaduud heleyso ayaa shaacinay in Maxamed Ugaas Xaashi iyo dhawr nin oo la xulufo ahaa ay ka baxeen Magaalada Kismaayo xilli habeenimo ah isla markaasna u jiheysteen dhinaca Gobolka Gedo,waxaana la sheegaya inay jiraan qaar kale oo ka tirsanaa kooxihii Gobolka Gedo laga soo aruuriyey isla markaasna ku xabsisan Xarunta Jaamacada Kismaayo.

Inkastoo wararkan si teel teel ah ku soo garaayaan Warbaahinta Allgalgaduud waxaa la shaacinaya in Maxamed Ugaas Xaashi ay hadda ku wajahan yihiin Gobolka Gedo inkastoo aan la qiimeyn karin xilliga ah gaari doonaan qaybo ka mid ah Gobolka Gedo,waxaana la sheegay inaysan joogin Magaalada Kismaayo isla markaasna ka baxeen iyagoo careysan haddana ku wajahan yihiin.

Ugu dambeyntii Warkan oo Warbaahinta Allgalgaduud hadda xaqiijintiisa ku daba jirto ayaa ah mid inta badan la rumeysan yahay inuu Maxamed Ugaas Xaashi iyo dhawr oday oo kale isla markaasna la feker ahaa ay ka baxsadeen Magaalada Kismaayo kuna wajahan yihiin Gobolka Gedo,Waxaana balan ah inaanu idin soo xaqiijino meesha ay hadda ku sugan yihin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com