Madaxweyne Xasan: Dawladnimada Soomaliya Waxay Ku Xiran Tahay Ciidamada Xoogga Dalka

0

IMG_7211Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladnimda Soomaaliya ay ku xirantahay nidaamka ciidanka qalabka sida  isagoo caddeeyay in doowladu ay muhiimada koobaad siineeyso Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay baahida loo qabo ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dowladu mudnaan gaar ah siindoonto tayeeynta ciidamada iyo sidii ay ugu heli laheyd Mushaar joogta ah.

‘’Hadba ciidamada Qalanka Sida nidaamkooda inta uu la egyahay ayeey dowladnimadeenuna la ekaaneysa, li’anna awooddii qaladka lagu hor istaagi lahaa awooddii sharciga lagu meel marin lahaa waa ciidamada Qalabka sida’’ Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha J. F, Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in haddii aan la hagaajin ciidamada an la helidoonin amni,  nidaam iyo kala dambeyn.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in garaamka iyo mushaaraadka ciidamada ay dowladu si joogta ah u bixindoonto, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladdu ay mudnaanta siineyso daryeelka ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay ciidamada qalabka sida iney si wadaninimo ah u gutaan waajibaadkooda ayna ilaaliyaan nidaamka iyo asluubta ciidanka isagoo hoosta ka xariiqay in sharafta iyo sumacada ciidamadu ay ku xirantahay hadba sida ay u aamninaan shacabka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com