Kufsigii Ugu Darnaa Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Oo Kambooni Geysanayaan

0

kufsiKismayo(AGGM) Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Maleeshiyada Raaskaambooni oo ay wehliyaan Ciidamo Kenyan ah ay xoog ku galeen Guryo ay degenyihiin dad shacab ah islamarkaana ay ka geysteen halkaasi falal kufsi ah.

Illaa 10 Gabdhood ayaa lagu kufsaday  Xalay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijisay mid ka mid ah Hooyooyinka gabdhaha la kufsaday.

Hooyadaani oo aad uga Murugeysneed dhibaatada loo geystay gabdhaheeda ayaa dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ugu baaqday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi joogtada ah ee ay kala kulmayaan Maleeshiyaadka Raaskaambooni iyo Ciidamada Kenya.

Si kastey ahaataba waxaa dhacdadani imaanaysaa xilli ay Xalay Jabhadda Raaskambooni gurigiisa kala baxeen muwaadin soomaaliyeed kaasi oo la tageen Xeebta Magaalada Kismaayo isla markaasna si arxan darro ah loogu toogtey Marxumkaasi xeebta Magaalada Kismaayo,waxaana sii xoogeysanaya dhibaatada shacabka lagu hayo ee ka socota magaalada Kismaayo.

Xigasho: Shabelle.net

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com