Jabhadda Raskambooni Oo Xalay Guriigiisa Kala Baxay Oo Dilay Marxuum C/qadar Daahir Gamuure

0

WhatYouCantHideIsGenocideKismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo waxaa xalay ka dhacay arrin saaka dadka degaanku naxdin iyo walaac ka muujiyeen,waxaana arrintaasi tahay mid ku cusub dhibaatada ay Jabhadda Raaskambooni ka wado gudaha Magaalada Kisamayo,waxaana dhibkani ahaa kii ugu darnaa ee gudaha kismaayo ka dhaca intii ay Jabhadda Raaskambooni iyo kiiniya qabsadeen magaalada Kismaayo.

Alle ha u naxariistee Cabdiqaadir Daahir Gamuure waxaa xalay gurigiisa oo ku yaala Magaalada Kismaayo ugu galay kalana Baxay ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay in gurigiisa ka wateen isagoo caafimaad qaba isla markaasna ay la aadeen dhinaca saldhiga Magaalada Kismaayo.

Marxuumkan ayaa la sheegay inaan la geyn saldhiga Magaalada Kismaayo balse ay kooxdii kaxaysatey ula gudbeen dhinaca Xeebta Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay inay halkaasi ku dileen isla markaasna si naxariis darro ah rasaas ula dhaceen ,Marxuumkan ayaa la sheegaya inuu ahaa nin aan wax shaqo ah ku lahayn xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo isla markaasna loo bartilmaameedsaday qabiil ahaa.

Maydka marxuumkan ayaa saaka laga soo qaaday xeebta Magaalada Kismaayo waxaana loo soo qaaday dhinaca guriigiisa oo lagu marayo,waxaana hadda Magaalada Kismaayo ka socda qaban qaabada Aaskiisa oo lagu wado in maanta lagu aaso xabaalaha Magaalada Kismaayo.

Gabood falka Jabhadda Raaskambooni gaar ahaan Beesha Absame ka wado Magaalada Kismaayo ayaan si dhab ah loo ogeyn meesha ay ku dambeyn doonto ama cago dhigan doonto taasi oo ay is weydiinayaan dadka shacabka ah ee ka soo jeeda Gobolladda Jubooyinka ay dhibaatada lixaad ka leh ku hayaan Jabhadda Raaskambooni oo aan iyagu u dhalan degaanada Soomaalida isla markaasna laga soo aruuriyey Gaarisa Gubaay iyo Kilinka 5-aad.

Ugu dambeyntii dilkan xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid ilaa shalay si xoogan uga socday Magaalada Kismaayo iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay gudaha magaalada Kismaayo loogu dilay in ka badan 7 ruux kuwaasi oo qabiil ahaan loo bartilmaameedsaday lamana oga cawaaqib xumadda ka dhalan karta arrimaah guracan ee ka socda magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com