Ismail Adam Dirie "DR Cusman Cabdiraxman Macalin Fiqi, Allah Ha U Naxariistee, Waxa Uu Ahaa Halyeey U Huray Aqoontiisa Dalka Iyo Dadkaba".

0

Ismaaciil Aadan Diiriye  1Dr. Cusmaan Cabdiraxman Macalin Fiqi, oo aan in badan aqaanay, kuna aqaanay diin, akhlaaq iyo wadaniyad.

Waxuu ahaa nin isagoo waxku bartey dibada, haysta nolol ka deganaasho badan midda wadanka taala, doortey inuu u adeego dalkiisa, aqoonta uu kasbadayna, wax ugu qabto umadiisa, kana howlgalayey caasimada wadanka ee Muqdisho.

Waxaan aad uga xumahay dilkii loo gaystay, waxan aaminsanahay, in uusan camalkiisa wanaagsanaa dayacmi doonin.

Anigoo fursadan ka faaiidaysanaya, waxan Ilahay uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo, raxmadiisa siiyo, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ismail Adam Dirie
Gudoomiyaha Ururka Iftiimin
Ismailadamdirie@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com