Allaha u naxariistee Macalin Xasan Cilmi Ciyow Oo Lagu Aasay Beladweyne “Sawirro”

0

DSC00179Baladweyne(AGGM) Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Beladweyne gaar ahaan Suuqa Balka lagu Aasay Macalin Xasan Cilmi Ciyow oo ahaa Guddoomiye Kuxigeenkii Maxkamada magaalada Beladweyne oo xalay kooxo dhagarqabayaal  ah ay ku dileen magaaladaasi, iyadoo Aaskiisa ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Aaska oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowlada Jabuuti, ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay aaskaasi tacsi ay u direen eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka, iyagoo rabi uga baryay in uu naxariistii jano uu ka waraabiyo.

Guddoomiye gobalka Hiiraan Korneel Cabdi Faarax Laqanyo oo ka qeybgalay aaska ayaa waxaa uu sheegay in marxuumka uu ka shaqeyn jiray sidii dadka loogu caddaalad fali lahaa oo lagu kala saari lahaa Kutaabka iyo Sunada Nebiga (N.N.K.H) waxaana uu ugu baaqay bulshada inay iska qabtaan dadka gumaadaya dadka waxgalka u ah bulshada.

Taliyaha Ciidamada AMISOM  ee ku sugan magaalada Beladweyne Korneel Cismaan Dubad oo isna ka qeyb galay aaska ayaa tacsi udiray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Macalin Xasan, isagoo ugu baaqay dadka ku dhaqan magaaladaasi in ay la dagaalamaan kooxaha caadeystay in falalka arbushaada ah ay ka fuliyaan gudaha magaalada, islamarkaana ay soo sheegaan dadka ku howlan arrimaha noocaasi oo kale ah.

Xalay ayay eheyd markii kooxa dhagar qabayaal ah ay dileen Allaha u naxariistee Marxuum Macalin Xasan Cilmi oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii Maxkamada  Beladweyne  ee xarunta gobalka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC00175DSC00179DSC00181DSC00193DSC001901