Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Deeq Isugu Jirta Raashiin Iyo Lacag Gaarsiisay Naafada Ku Jirta Isbitalka Martiini "SAWIRRO"

0

DSC09596Muqdisho(AGGM) Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Marwo Xaawo Ibraahin Aadan ayaa maanta deeq isugu jirta Raashiin iyo Lacag gaarsiisey naafada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo aheyd mid ay Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu talagashay in bisha barakeysan ee Ramadaan ay afur ku sameystaan
naafada ciidammada Xoogga Dalka ee ku jirta Isbitalka Martiini ayaa waxey ka koobneyd Bariis,Sonkor,Bur,Timir,Caano,Baasto,Digir,Saliid iyo Boorash waxaana dadka loo qeybiyey oo deeqdan nasiibka u yeeshay ay gaarayeen 500 ruux kuwaasi oo isugu jiray Ciidammadii naafoobay intii ay jirtay Dowladdii dhexe iyo Ciidammo kale oo iyaguna naafoobay intii ay dalka ka ariminayeen dowladihii KMGka.

Marwo Xaawo Ibraahin Aadan Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo deeqdan isugu jirtay raashiinka iyo lacagta gacanteeda ugu qeeybisay naafada ku jirta Isbitalka Martiini ayaa hadal kooban oo ay ka jeedisay goobta waxey ku sheegtay in Naafada ku jirta Isbitalka Martiini ay usoo samreen dhibaatooyinka adag ee uu dalku soo maray waxaana ay tilmaantay in deeqdan ay tahay mid ay ugu talagashay iney bisha Ramadaan ee Barakeysan aawgeed afur ka dhigtaan Naafada ku jirta Isbitalka Martiini.

Ugu dambeyntii Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Marwo Xaawo Ibraahin Aadan ayaa Alle uga rajeysay in Umadda Soomaaliyeed uu dhibaatada ka dulqaado islamarkaana uu quluubtooda isku furo si ay u noqdaan kuwo ayaga oo isku duuban had iyo jeer is gargaara.

Afhayeenka Naafada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini Cabdi Mahad Cali oo goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka deeqdan ay soo gaarsiisay waxaana uu xusay in deeqdan ay kusoo beegtay Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka xili Ramadaan ah oo ay Naafada ku jirta Isbitalka Martiini baahi aad u weyn u qabeen, ugu dambeynna waxa uu Alle uga baryey in deeqdan uu ugu bedello bedel kheyr qaba.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

DSC09545DSC09552DSC09556DSC09556DSC09566DSC09587DSC09590DSC09596DSC09645DSC09680DSC09683