Ganacsade,Samafalle & Shacab Maanta Raaskambooni Ku Dishay Magaalada Kismaayo

0

106Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo waxaa wali ka sii socda dilka iyo dhaca Jabhadda Raaskambooni ay ku hayaan dadka degaanka waxaana 12 saacadood ee la soo dhaafay ay gudaha Magaalada Kismaayo ku dileen 6 ruux oo isugu jira Aqoonyahano ,Ganacsato iyo dad shacab ah.

Dilka ugu horeeyey ee Maanta duhurnimadii ka dhacay Xaafada Dalcada ee Magaalada Kismaayo waxaa lagu toogtey Nin Samafalka ahaa oo Xaafada Dalcadda Kismaayo degaanaa Kaasi oo lagu magacaabi Jirey Haaruun,waxaana la sheegay inay dilkiisa fuliyeen afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Jabhadda Raaskambooni.

Dhinaca kale qaraxan xoogan ka oo dhacay Nawaaxiga isbitaalka Magaalada Kismaayo oo lala beegsaday ciidamada Amisom ayaa la sheegay qaraxaasi ka dib in ciidamada Jabhadda Raaskambooni halkaasi soo gaareen isla markaasna rasaas ay fureen ku geeriyoodeen 2 ruux oo shacab ah kuwaasi oo aan waxba galabsan.

Dhinaca kale Suuqa Sarifka Magaalada Kismaayo waxaa ka dil toogasho oo lagu dilay 3 ruux oo mid ka mid ahi ahaa dadka Ganacsatadda ah oo suuqaasi ku ganacsan jirey,waxaana la sheegay in dhamaan hantidiisu ay qaateen ciidamada jabhadda Raaskambooni,waxaana sidoo kale 3 daasi ruux oo ee geeriyooday ka mid ahaa Haweenay  ku sugneyd suuqaasi isla markaasna ah dadka ganacsiga yar ku lahaa halkaasi.

Ugu dambeyntii Xasuuqa iyo dhaca ay Jabhadda Raaskambooni ka wado Magaalada Kismaayo ayaa ah mid si xawli ah ku socda isla markaasna sabaabay in dadka shacabka ahi ay walaac xoogan ka muujinayan magaalada Kismaayo,waxaana maalin kasta soo baxda dhibaato hor leh oo ay dadka shacabka ah u geysanayaan Jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com