Garoowe(AGGM) Sida dadka ku dhaqan Degmada Taleex laga soo xiganayo,waxaa la xaqiijinayey inay maalmihi la soo dhaafay halkaasi soo gaareen ciidamo badan oo ka tirsanaa falaagada Alshabaab ee dhibaatada ka waday degaanada Puntland kuwaasi oo la sheegay inay ka soo baxeen buuraha Galgala.
Ciidamada soo bixitaankooda ayaa la sheegayaa inay sabab u tahay ka dib markii burbur soo wajahay Madaxdii Falaagada Alshabaab isla markaasna qabiil u kala safteen,waxaana wararku intaasi ku darayaan inay ciidamadaasi oo wata dhawr gaari ay shalay iyo maanta gaareen tuuladda taleex oo ku taal gobolka Sool.
Taleex waxay farisiin u tahay Maamulka khaatumo State of Somalia,waxaana la sheegaya in ciidamadaasi ay isu dhiibeeen maamulka Khaatumo sheegeena inay ka soo baxeen Falaagadii Alshabab,waxaana ciidamadaas soo dhaweyn logu sameeyey tuulada Taleex halkaasi oo xoolo loogu qalay.
Ciidamadan ayaa la sheegaya inuu hogaaminayo Masuul ka tirsanaan jiray Alshabab oo lagu magacaabo Abu Qatata ahna nin ka soo jeeda degaanada Khaatumo,waxaana arrintaasi la sheegaya inay walaac xoogan ka muujiyeen Maamuladda hareeraha ka xiga ee Puntland iyo Somaliland.
Ugu dambeyntii Ciidamadii Alshabaab ee buuraha Galgala ayaa la sheegayaa inay u kala jabeen qaab qabiil isla markaasna koox kasta ay u jihaysatey degaanadii ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen,waxaana la xaqiijiyey in ciidamadaasi si toos ab ugu biireen kuwa maamulka Khaatumo state of Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com