Kismaayo(AGGM) Isbatoore Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil ” Fartaag” oo ah ku xigeenka Jabhadda Raaskambooni kuna sugan Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladihi ugu dambeyey ee degaanada Puntland ka taagnaa,waxaana uu sheegey inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka taagan gobolladda Puntland.
Waxaa uu baaq u diray shacabka Puntland isagoo ugu baaqay inay nabadda iyo xasiloonidda ilaaliyaan,waxaana uu sheegey inay dawlad haystaan dawlad buuxda waa sida uu hadalka u dhigaye,waxaana uu sheegey inay xaq u leeyihiin wax mucaaradaan balse aysan habooneyn gacan ka hadal.
Dhinaca kale waxaa uu sheegey inay Jubbaland tageero uga baahan tahay Puntland isla markaasna ay ka xun yihiin in dhibaato ka dhacday,waxaana uu sheegey in dhibta soo gaarta Puntland ay jubbalandna soo gaareyso,waxaana uu sheegey inay gacan uga baahan yihiin Puntland isla markaasna ay mataano yihiin.
Isbatoore Fartaag waxaa uu sheegey in Maamulka Jabhadda Raaskambooni hadda meel wanaagsan wax u marayaan,waxaana uu sheegey inay sii wadi doonaan waxqabadka. Waxqabadkan uu sheegayo Isbatoore Fartaag ayaa ah dhaca iyo boobka iyadoo saacadihii la soo dhaafay Nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Nabadoon Cali Dhega Cade Gaarigiisa laga dhacay isla markaasna jirdil loo geystey.
Isbatoore Fartaag oo dadku ugu yeeraan Jeneraal ayaa la aqoon Akademiyada Ciidamada uu ka soo baxay,xitaa ma jirto shaqsi soomaali ah oo cadeyn kara inuu dawladihii soomaaliya ee ay ugu dambaysay tii Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare inuu askari ka soo noqday mana jirto cid cadeyn karta inuu iskuul galay.
Ugu dambeyntii Isbatoore Fartaag ayaa ah nin aan aqoon u lahayn qaabka ay u hadlaan siyaasiiyiinta Soomaalida ama Masuul soomaaliyeed,waxaana hadalladiisa laga dheehan kara hadallo masuuliyad darro iyadoo aad moodo inuu ahaa nin aan waligiisa arag meel wax lagu maamulo amase aan ka hadlin madal ama gogol dad isugu yimi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com