Shacab Galkacayo Oo Meel Fagaare Ah Ku Gubay Sanaadiiq Doorashada Loogu Tallo Galay

0

No-FarooleGaroowe(AGGM) Shacabka Magaalada Galkacayo oo iyagu dhawaan la galay dagaal qaraar ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay saaka u suuro gashay inay gacanta ku dhigaan iyadoo aan wax iska hor imaad ahi dhiciin sanaadiiq xalay Maamulka Puntland halkaasi geeyey,waxaana la sheegayaa inay saaka meel fagaare ah ku gubeen.

Shacabka Magaalada Galkacayo oo ay hogaaminayaan masuuliyiin xilal sare hadda ka hor ka soo qabtey Maamuladii hore ee Puntland ayaa hormuud ah isla markaasna shacabku ay tageersan yihiin,waxaana dhamaan masuuliyiintaasi diidan yihiin nidaamka xisbiyadda badan kaasi oo ay ku tilmaameen inay tahay khiyaano.

Masuuliyiinta ayaa sheegey in hababka nidaamka xisbiyadda badan ay dani ugu jirto Madaxweynaha Maamulka Puntland,waxaana ay sheegeen inuu sameystey hal xisbi oo kaliya iyo kuwa isaga u ololeeya oo ay ku tilmaameen inay hoos ahaan xisbigiisa u tageersan yihiin,waxaana ay sheegeen inuu faroole doonayo inuu mar kale ku shubto doorashadda Madaxweynnimadda Puntland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in sanadkii uu ku darsaday Faroole uu ahaa mid sharci darro ah isla markaasna ay u tanaasuuleen,waxanaa ay sheegeen inaysan Mar dambe u tanaasuli doonin Maamulka Faroole iyagoo shaaciyey inay ku ganacsan yihiin in doorashadda soo socota ay wax doortaan xildhibaanadda laga soo doorto degaanada Puntland kuwaasi oo tiradoodu tahay 66 mudane.

Ugu dambeyntii waxa mucaaradka Maamulka Puntland muujinayaan inay ku qanacsan yihiin doorashada la qabto xilligeeda isla markaasna ay wax doortaan xildhibaanada beelaha laga soo xulay kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo si xaq ah ku kala saari kara musharixiinta isu soo taaga doorashada degaanada Puntland iyagoo diidan nidaamka xisbiyadda badan oo ay shaki kaga qabaan in faroole ku shubto mar kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com