Qarax Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Kismaayo

0

indexKismaayo(AGGM) Qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan wado aad u mashquul badan,waxaana la sheegayaa in qaraxaasi lagu bartilmaameedsadey gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ku sugan.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu bartilmaameedkiisu ahaa gaari nooca Prado loo yaqaano kaasi oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in gaarigaas uu khasaare ka soo gaarey iyo askartii la socotey,waxaana loo  badinayaa in dhaawacyo fudud ka soo gaareen askartii gaarigaasi saarnayd mana jiraan cid shacab ah oo waxyeelo ka soo gaartey.

Dhaawac askartan ayaa la sheegaya in loo qaaday isbitaalka Magaalada Kismaayo waxaana halkaasi lagu dhaawaynayaa dhaawacyo fudud oo soo gaaray askartaasi kuwaasi oo la sheegay inay ahayeen sirdoonka jabhadda Raaskambooni oo Magaalada Kismaayo dhibaatada baahsan ku haya.

Askari ka tirsan ciidamada Jabhadda Raaskambooni oo qaraxaasi ka hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare badan ah oo ciidamadooda ka soo gaaray balse waxaa uu qiray in dhaawac aan sidaasi halis u ahayn oo soo gaarey dhawr askari oo gaarigaasi saarnaa iyadoo gaarigii uu soo gaaray burbur baahsan.

Ugu dambeyntii qaraxan ayey jabhadda Raaskambooni ku eedeysay inay masuuliyadeeda ay leedahay Falaagaada Alshabaab,waxaana ay sheegeen inay qaraxaasi ku tuhunsan yihiin Alshabab. mana jiran cid Alshabaab ka tirsan oo jawaab ka bixisay inay qaraxaasi masuuliyadeeda leedahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com