Madaxweyne Xasan “Turkiga baan uga mahadcelineyaa Istibitaalka ugu casrisan Bariga Africa” Sawiro

0

IMG_6897Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeeray Isbitaal cusub oo casri ah oo Dowladda Turkiga ay ka hirgelineyso Muqdisho. Booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa la socday Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Turkey baan uga mahadcelineynaa Isbitaalka ugu casrisan Bariga Afica inay Soomaaliya u dhisaan. Booqasheda maanta waxey aheyd inaan muujino sida aan ugu faraxsanahay gurmadka wallaalaheen Turkiga waxey yimaadeen waqtigii ugu habboonaa oo booqashadii Ra’iisul Wasaare Erdogan waxey wax weyn ka bedeshay sida Soomaaliya caalamku u arko.”

Isbitaalkan cusub ayaa ah mid ay 200 sariir ah ay qaadeyso oo qalabka la keenayana ay yihiin kuwa ugu casrisan ee bariga Africa. Sidoo kale Isbitaalka waxaa laga garab dhisayaa Masaajid aad u weyn iyo Machadka kalkaaliyeyaasha. Sidoo kale Isbitaalka waxuu yeelanayaa qolalka gurmad-ka deg-degga ah oo leh 28 sariir.

 Madaxweynaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa yiri “Isbitaalkan cusub waxuu shaqo u abuuray in ka badan 400 Soomaali ah iyo qoysaskooda. Mashaariicda horumarineed ee noocan oo kalena waa kuwo uu dalku u baahanyahay bacdamaa uu dalku galayo marxaddii dib u dhiska iyo horumarka. Isbitaalkan marka uu furmana waxuu shaqo u abuuri doonaa Soomaali fara badan. Dowladdu ahmiyad gaar ah bey siineysaa mashaariicda shaqo u abuuraya Soomaalida.”

Madaxweynaha ayaa yiri “shacabka waxaan ugu baaqayaa inay nabadda ka wada shaqeeyaan si dalka aan uga hirgelino mashaariic casri ah oo shaqo u abuuri kara Soomaalida. Horumarka iyo nabaddu waa kuwa isku xiran. Markale waxaan u mahadcelinayaa wallaalaheen Turkiga oo hirgeliyey mashruuca isbitaalkan iyo machadka kal-kaaliyeesha caafimaadka.”

       DHAMAAD –

IMG_6705IMG_6746IMG_6793IMG_6819IMG_6838IMG_6877IMG_6891IMG_6897IMG_6959IMG_6974