Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Xaflad Sagootin Ah London Loogu Sameeyey “SAWIRRO”

0

IMG_2025London(AGGM) Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xaflad sagootin ah u sameeyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku joogay boqortooyada Ingiriiska.

Xafladdan sagootinta ah oo aheyd mid si heer sare ah ay usoo qaban qaabiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa aheyd sidoo kale Afur Sharafeed ay Jaalliyaddu ku sagootinaysay Wafdiga Sare ee uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayadoo xafladana ay kasoo qeybgaleen Waxgaradka,aqoonyahannada,dhalinyarada iyo Haweenka Soomaaliyeed ee London ku dhaqan kuwaasi oo iyagu si aad ah ugu faraxsanaa iney la kulmaan wafdigan ka socday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London oo xafladda khudbaddo ka jeediyey ayaa si isku mid ah u xisay iney aad ugu faraxsanyihiin kulankan ballaaran ee ay Jaalliyaddu la qaadatay Wafdigan ka socday Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka waxaana ay xubnihii u hadlay Jaalliyadda si isku mid ah u ammaaneen qaabka uu xiligan u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya ayagoo sidoo kalena goobta kasoo jeediyey tallooyin ay jecelyihiin iney ku kordhiyaan Baarlamaanka iyo guud ahaanba Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Xafladda khudbad ka jeedisay ayaa aad uga mahad celisay guud ahaanba Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska sidii ay usoo dhaweeyeen waxaana ay dhanka kale Xildhibaannadu ammaantay sida ay Jaalliyadda ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska u garab taaganyihiin Dowladooda.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo Xafladda ugu dambeyn khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Britian sida wanaagsan ee ay Wafdiga uu hogaaminayey ugu soo dhaweeyeen dalka Ingiriiska waxaana uu dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Jaalliyadda u faah faahiyey isbedellada hormarineed ee xiligan ka jira gudaha iyo himilooyinka uu hiigsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Jaalliyadda ku booriyey iney dib ugusoo laabtaan Dalkooda Hooyo si ay uga qeyb qaataan hormarka iyo iftiinka Dowladnimo ee hada Soomaaliya ay gashay waxaana uu sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu Jaalliyadda u ballan qaaday in talooyinka ay soo jeediyeen oo ah kuwo dhaxalgal ah uu hor geyndoono Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Wafdigan ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku joogay dalka Britian booqasho rasmi ah kadib markii ay casuumaad ka heleen Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska waxaana intii ah halkan ku sugnaayeen kulammo kala duwan la qaateen hogaanka iyo Xildhibaannada Aqalka Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska oo ay isku afgarteen in Labada Baarlamaan ay yeeshaan Wada shaqeyn joogta ah,sidoo kalena wafdigu waxey siyaabo kala duwan ula kulmeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka London iyo Birmingham.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

IMG_1939IMG_1924IMG_1929IMG_1932IMG_1937IMG_1938IMG_1940IMG_1956IMG_1948IMG_1966IMG_1968IMG_1990IMG_2004IMG_2025