Faroole Oo Hakad Galiyey Doorashooyinkii Dawlada Hoose Markii Uu Ku Fashilmay Saaka

0

OLYMPUS DIGITAL CAMERAGaroowe(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa hadda si deg deg ah shir jaraa’id u qabtey ka dib markii maanta uu ku fashilmay sanaadiiqdii uu geeyey gobollada Mudug iyo Kar Kaar halkaasi oo ay shacab gadoodsani ku kala wareegeen sanaadiiqdii doorashooyinka iyadoo meelaha qaarkeeday ka dhaceen dagaalo dhimaso iyo dhaawac sababay.

Madaxweyn Faroole ayaa sheegey inuu ilaa amar dambe dib u dhigay doorashada dawladaha hoose waxaana uu sheegay inay waqti dambe la qaban doono doorashada dawladaha hoose,waxaana hadalkani ka soo baxay xilli uu maanta ku fashilmay isla markaasna shacabku gacanta ku dhigeen sanaadiiq codad ka buuxaan kuwaasi oo saxafada loo soo bandhigay.

Dr Faroole ayaa rabay in maalinimada beri ah doorashadu dhacdo isla markaasna waxaa uu sanaadiiq ka soo buuxiyey codad iyadoo uu qaarkoodna ka dhigay kuwo maran,waxaana arrintaasi ka war halay shacabka oo ku guuleystey inay gacanta ku dhigaan saandiiqdaasi oo ay hadda ku hayaan gacantooda isla markaasna ay guubeen qaar badan oo ka mid ah.

Ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha Maamulka Puntland soo foodsaartey fadeexad tii ugu darneyd iyadoo uu sanaadiiqda badankeeda uu soo buuxiyey isla markaasna uu doonayey inuu cod aqlabiyad ah ku guuleystey iyadoo hore mucaaradku uag digeen arrimahaasi balse maanta ay ku guuleysteen inay caalamka iyo saxafadaba u soo bandhigaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

allgalgaduud@gmail.com