Xog: Kulan Shalay Dhexmarey Horjoogayaasha Raaskamboobi Oo Laba Qabiil U Wada Hadlay

0

kismaayo8Kismaayo(AGGM) Markii shalay Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo uu kulankoodii ugu soo dhamaaday kooxdii koofiyad baclayaasha ahaa ee laga soo aruuriyey tuulooyinka gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa la sheegay inay Horjoogayaasha  Raaskambooni ay kulan wada yeesheen,waxaana kulankaasi ahaa mid ku saleysanaa wada hadal qaab qabiil iyo in laga wada hadlo dagaaladkii dhawaan ka dhacay kismaayo.

Horjoogayaashan ayaa ka soo kala jeeday Beelaha Sade  & Kablalax,waxaana kulankaasi u talayey labada dhinac u matalayey horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni,waxaana kulankaasi lagu soo lafo gurey dhacdooyiinkii u dambeyey ee kismaayo ka dhacay hadii ay ahaan lahayd dagaalkii xasuuqa ba,an geystey & dhac iyo boobkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Kulankan oo ahaa mid saacado badan qaatey ayaa horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni ee garabka Beesha Sade u hormuud ahaa labada nin ee lagu kala magacaabo Maxamed Ugaas Xaashi,Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag  & Yaasiin Nuur Gaas oo khadka telefoonka kaga jirey,waxaana kooxdan hunguri doonka ah ee ku jira Jabhadda Raaskambooni kuna abtirsada beesha Sade loo soo jeediyey qodobadan:

  1. Inay dusha saartaan iyagoo ku hadlay Codka beesha Sade inay masuuliyadda dagaaladii kismaayo ka dhacay qaataan isla markaasna saxafadda ka sheegaan in beesha sade masuuliyadeeda lahayd.
  2. Inay beeniyaan inaysan ciidamada dawlada kiiniya dagaalka kismaayo ka qayb qaadan isla markaasna sheegaan inay dagaalameen ciidamadii dawlada federaalka ah iyo kuwa jabhadda Raaskambooni.
  3. Inaysan beeniyaan inaysan jirin wax boob iyo dhac ama kufsi ah oo ka dhacay magaalada kismaayo.

Arrintaasi ayaa la noqotey Hunguri raaca Beesha Sade ee ku jira Jabhadda Raaskambooni inaysan macquul ahayn isla markaasna aysan jeedin karin arrimahaasi,waxaana la sheegay inay laftoodu la yimaadeen qodobo kuwaasi oo kale ah,waxaana ay sharuud ka dhigeen in haddi ay garabka kale iyana ka hadlaan arrimahaasi ay intaasi oo qodob fulinayaan,waxaana ka mid ahaa qodobadaasi ay jeediyeen kuwan:

  1. In Jabhadda Raaskambooni ee garabka Kablalax qirtaan in ciidamada kiiniya dagaalka kismaayo ka qayb qaateen.
  2. In Dhac iyo boob hantiyeed loo geystey dadka ku abtirsada beesha Sade ee ku nool Magaalada Kismaayo.
  3. In Jabhadda Raaskambooni dhaawac badan oo ka soo jeeda beesha Sade la dhidib tirey.
  4. Inay dagaalkii kismaayo ka qayb qaateen ciidamo laga keenay degaanada Puntland iyo Kilinka 5-aad.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid xasaasiyad leh isla markaasna runta loogu sheegey nimanka ku abtirsadda beesha Sade balse ay qaadan waayeen go,aamaddi loo soo jeediyey,waxaana la sheegay in kulankaasi lagu kala kacay isla markaasna labada dhinac uu soo kala dhex galay kala shaki iyo mugdi.

Ugu dambteyntii qodobadan ayaa la sheegay inay yihiin talaabooyinka ugu horeya ee lagu doonayo in Jeneraal Fartaag maradda beenta ah looga xayuubiyo isla markaasna loogu doono inuu sameeyey awaamiir ay soo jeediyeen Golaha koofiyad baclayaasha laga soo aruuriyey tuulooyinka gobolladda Jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com