Maamulka Faroole Iyo Waxgaradka Gobolka Mudug Oo Shirkii Ku Kala Kacay & Xiisad Taagan

0

Faroole_Without_FreedomGaroowe(AGGM) Kulam muhiim ah oo ay maanta wada qaateen waxgaradka gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Puntland  & Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa lagu kala kacay ka dib markii is afgarad laysku fahmi waayey,waxaana kulankaasi ahaa mid ka soo qayb galeen waxgaradka gobolka Mudug gaar ahaan kuwa Maamulka Puntland.

Kulankan ayaa ahaa mid uu Madaxweyne Faroole waxgaradka kaga codsanayey inay aqbalaan in doorashada la qabto xilligeed isla markaasna la hirgeliyo habka xisbiyadda Badan,waxaana arrintaasi gashaanka u daruuray waxgaradka gobolka Mudug oo uu horeyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,waxaana ay sheegeen in doorashadu u dhacayso sidii isaga loo doortey.

Waxgaradkan ayaa Faroole si cad ugu sheegey in hadii uu u hogaansami waayo dastuurka Puntland ay iskaga difaaci doonaan sidii ay dantoodu noqotey,waxaana isimadu shaaciyeen inay aqbalayaan oo kaliya in xildhibaanadu doortaan madaxweynaha isla markaasna aan wax xisbi siyaasadeed ah laga hirgelin degaanadda puntland.

Waxaa waxgaradku ku tilmaameen xiitaa inaysan jirin wax xisbiyo siyaasadeed ah oo jiraa isla markaasna si toos ah ugu sheegeen inuu Faroole doonayo inuu ku shubto doorashada maadama uu xisbigiisa kaliya uu jiro inkastoo ay jiraan xisbiyo kale oo faroole gacan saar  la leh.

Dhinaca kale waxaa jira siyaasiyiin gudaha Magaalada Galkacayo ka bilaabay ciidan arursi xilli ay ka war heleen inuu Faroole doonayo inuu sanduuqyadda Cod bixiinta si xoog ah ku soo galiyo Magaalada Galkacayo,waxaana la sheegayaa inay Siyaasiyiintasi ay sheegeen inay la dagaalami doonaan hadii sanaadiiq la keeno Magaalada galkacayo.

Ugu dambeyntii Faroole ayaa rajo ka qaba inuu sanado kale sii fadhiyo xafiiska Madaxtinimadda Puntland iyadoo uu doonayo inuu degaanada Puntland ka dhaqan galiyo habka xisbiyadda badan taasi oo waxgaradku ka dideen isla markaasna siyaasiiinta degaanada Puntland intooda badan ka soo horjeedaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com