Tacsi Marxuum Danjire Sayid Xasan Shariif Cabdulaahi

0

Marxuum Danjire Sayid ShariifMuqdisho(AGGM) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u direysaa eheladda ,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Marxuum Ambassador Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi oo ahaa danjiraha Soomaaliya ee wadanka South Africa oo maanta Arbaco ah ,kuna beegan 10 July 2013 ku geeriyooday Magaalada Pretoria ee Caasimadda South Africa . 

Ambassador Sayid Shariif ,oo ka soo shaqeeyay howlaha waxbarashada iyo samafalka bani’aadanimo, ayaa  waxa uu diblomaasiyadda  ku soo biiray mudadii labada sano aheyd ee ugu dambeysay noloshiisa , isagoo noqday Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ee wadanka South Africa . 

Marxuum Ambassador Sayid Shariif  ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur  . 

Haddaba , annagoo ka murugeysan,kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariisto , qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo – Aamiin. 

 

INNAA  LILAAH  WA  INAA  ILEYHI   RAAJICUUN

Marxuum Danjire Sayid Shariif