Qarax Lalla Eegtay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Beled-Xaawo.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Beled-Xaawo (AGGM): Wararka ka imaanaya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka qarax miinada nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee degmada.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Aadan Dhafoorrey ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta inuu qaraxa dhacay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in aysan jirin wa khasaare ah oo saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Beled-Xaawo ka soo gaaray qaraxaas.

Ciidamada dowladda ee degmada Beled-Xaawo oo goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayaa halkaasi ka billaabay howlgal ay ku baarayaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi argagixiso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com