Qarax Ay Ku Dhaawacmeen Labo Askari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

qaraxmiin0Muqdisho (AGGM): Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa barqadii maanta ku dhaawacantay qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayay bartamaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Gaariga oo marayay qeybta sarrifka ee suuqa ayaan ilaa hadda la ogayn nooca qaraxa ee lagu weeraray, sida uu ku soo warramayo mid ka mid ah weriyeyaasheenna jooga Muqdisho.

Ciidanka la weeraray ayaa furay rasaas markii uu qaraxa dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com