Raisalwasaare Saacid Oo Saaka Ku Sii Jeeda Magaalada Baydhabo

0

saacidMuqdisho(AGGM) Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid’’ iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay la filayaa iney u ambabaxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo ay ka soconeyso qabanqaabada loogu jiro soo dhaweynta Wafdiga Ra’isulwasaaraha.

Wafdi uu hogaaminayo Raisalwasaaraha Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa saaka ku wajahan magaalada Beydhabo ee Caasimada gobolka Baay,  kuwaas oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,  Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka Sida.

Raisalwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in magaalada Beydhabo ay kula kulmaan maamulka gobolkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u dhageystaan talooyinkooda, ku aadan maamulka iyo baahida ay qabaan bulshada ku nool gobolkaasi.

Dr. Saacid ayaa lagu wadaa inuu maamulka iyo bulshada gobolkaasi kala tashado sidii qeybaha ka harsan gobolkaasi looga xoreyn lahaa haraadiga Maleeshiyaadka Shabaab.

Raisalwasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa in booqashadiisu ay qeyb ka tahay sidii gobolkaasi looga hirgelin lahaa qorshahaLixda Bilood ah ee dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka Shabaab kaas oo loogu magacdaray Shabeel.

Ugu dambeyntii Maahan markii ugu horeysayn ee Raisalwasaare Saacid Faarax Garaad oo safar ku tago gobolada dalka soomaaliya qaar ka mid ah,waxaana uu inta badan socdaal ku marey gobolladda dhexe,Puntland & Jubooyinka,waxaana la sheegayaa inuusan tagin oo kaliya degaanada Somaliland Mamusho balse soomaaliya inteeda badan cagta mariyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com