London(AGGM) Qaramada Midoobaya ayaa maanta si bareer ah daboolka uga qaaday in degaanada Puntland ay ka jiraan xaalad amaan darro taasi oo keeni karta xasilooni darro degaanadaasi ka dhacda iyo degaanada Puntland hore loogu yaqaanay deganaan iyo xasilooni,waxaana arrintaasi Qaramada Midoobay maanta shaaciysay.
Nicalos Key oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaah Soomaaliya ayaa sheegay inuu walaac xoogan ka qabo xaaladda Puntland isagoo shaaciyey inay jiraan ifafaalo dhalin kara xiisado colaadeed oo Puntland ka dilaaca,waxaana uu shaaciyey in xaalada siyaasadeed ee degaanada Puntland ka jiraa dhibaato keeni karaan.
Nicalos Key waxaa uu sheegey in doorashooyinka Puntland soo dhaweyn yihiin isla markaasna ay jiraan dad diidan qaabka doorashada loo qaban doono,waxaana uu sheegey in nidaamka xisbiyadda badan ay doonayaan in Maamulka Puntland hirgeliyaan isla markaasna ay jiraan siyaaasiiyiin misaan ku leh degaanada Puntland oo arrimahaasi ka soo horjeeda.
Dhinaca kale Nicalos Key waxaa uu tusaale u soo qaatey weeraro dhawaan ka dhacay magaalada Galkacayo kuwaasi oo dhexmaray dad shacab ah oo ka soo horjeeday nidaamka xisbiyadda badan kuwaasi oo dagaal la galay ciidamada amaanka Puntland,waxaana uu sheegey inay halkaasi ku geeriyoodeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dhinaca kale waxaa uu tallo u soo jeediyey kooxaha ku loolamaya Siyaasada Puntland,waxaana uu ugu baaqay inay isdejiyaan isla markaasan dib u fiiriyaan maslaxadda Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanada puntland,waxaana uu sheegey in nabadii lagu yaqaanay puntland ay u hogaansamaan,waxaana uu kula taliyey inay miiska wada hadalka isugu yimaadaan kooxaha siyaasada isku diidani.
Ugu dambeyntii waxaa hadalkani imaanayaa xilli doorashadii Puntland soo dhaw dahay isla markaasna Faroole ku darsaday sanad dheeri ah lagana yeelay balse hadda u muuqda inuu qaab musuq maasuq ku soo baxo mar kale taasi oo ay siyaasiiyiin misaan ku leh degaanada Puntland ay ka soo horjeedaan isla markaasna keenti karta is gacan qaad dhibaato badan dhalisa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com