Saakow (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu dagaal saacado badan socday u dhexmaray maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku suganaa nawaaxiga degmada Saakoow.
Dagaalkan oo aan ilaa hadda la ogeeyn qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu reebay ayaa waxa uu u dhexeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan falaagada Al Shabaab kuwaa oo sida wararku sheegayaan u kala baxay labo beelood.
Maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ee maanta dirirtu dhexmartay ayaa waxa ay u kala baxeen Beesha Sade iyo Beesha Kablalax ilaa hadana ma ay jiraan cid og sababta dhalisay inay u kala baxaan qaab beeleed.
Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaalka maanta loogu awood sheegtay maleeshiyadi ka tirsaneed Al Shabaab ee ka soo jeeday beesha Kablalax oo sida la sheegay loo baacsaday dhanka magaalada Kismaayo.
Ilaa hadda Ma ay jiraan wax war ah oo ka soo baxay horjoogeyaasha falaagada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkan maanta ka dhacay nawaaxiga degmada Saakoow, sidoo kale waxaan jirin ilo wareedyo madax banaan oo ka hadlay dagaalkan.
Isku soo wada duuboo waxaa aad usoo if baxayay maalamahan in maleeshiyadi Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ay u wada xuubsiibteen qaab beeleed nin walbana uu isu diyaarinayay siduu qabiilkiisa u garab siin lahaa, kadib marki kuwa ka soo jeeday beesha Kablalax ay badankood dib ugu laabteen magaalada Kismaayo si ay u gacan siiyaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com