War Deg Deg Ah: Col Cabdiraxmaan Caato Oo Hadda Muqdisho Lagu Toogtey

0

breaking-newsMuqdisho(AGGM) Col Cabdiraxmaan Caato oo ka mid ahaa saraakisha sirdoonka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa caawa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa inay dilkiisa fuliyeen kooxo dhalinyaro ah oo tiradooda lagu sheegey 4 ruux oo ku hubeysnaa bistoolado.

Dilkan ayaa la sheegayaa inuu hadda ka dhacay Isgoyska Banadir ee Degmada Hodan,waxaana la shaacinaya in sarkaalka la dilay oo ka soo baxay meel maqaaxi ah oo uu cuno ka soo iibsaday,waxaana la aaminsan yahay in kooxda dilka fulisay ahayd koox ka tirsan Falaagada Alshabaab.

Kooxdii dilkaasi fulisay ayaa la sheegay in halkaasi ka baxsadeen intii aysan soo gaarin ciidamada dawladda federalka ahi,waxaana la shaacinaya in ciidamada dawlada federaalku degaankaasi ay ka wadaan baaritaano lagu baadi goobayo kooxdii dilkaasi fulisay,waxaan la sheegaya in kooxdii dilka fulisay halkaasi ka baxsadeen.

Ugu dambeyntii dilkan ayaa qayb ka ah falalka amaan darro ee Magaalada Muqdisho ka jira kaasi oo ay inta badan ka fuliyaan falaagada  Alshabaab oo ka soo horjeeda amaanka Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegayaa in Alshabaab hadda dagaalkooda ku soo koobeen gudaha magaalooyinka waaweyn maadama looga awood batey dagaaladda ka fool ka fool ka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com