Kismaayo(AGGM) Xarunta Magaalada Garoowe ee Maamul Gobolleedka Puntland waxaa kulamo muhiim ahi uga socdaan Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Iyo Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni,waxaana kulamadii ugu dambeyey ahayeen sidii loo saami qaybsan lahaa Maamulida Magaalada Kismaayo.
Dr Faroole ayaa la sheegay inuu hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni ka dhaadhiciyey inuu Jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil xilka ka qaadis ku sameeyo intaan golaha baarlamaanka & wasiiradda Maamul ku sheega Jubbaland lagu dhawaaqin,waxaana la xaqiijinayaan inuu u soo jeediyey inuu Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish xilka Madaxweyne ku xigeenka u magacaabo isla markaasna Jeneraal Fartaag laga dhigo Taliyaha ciidamada ahna wasiirka arrimaha gudaha.
Dr Faroole ayaa sheegey inuu ciidamo gaaraya 1500 askari ku caawin doono Ciidamada Maamulka Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo hadii uu Axmed madoobe dhaqan galiyo arrintaasi,waxaana uu sheegey in talaabadaasi tahay mid muqadas ah isla markaasna wadamada deriska ahi si weyn u yaqanaan Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish oo xilal muhiim ah ka soo qabtey dawladii cabdilaahi Yuusuf Axmed.
Jeneraal Darwiisha ayaa ahaa taliyihi Ashahaado la dirirka ama Sirdoonka dawladii Cabdilaahi Yuusuf isla markaasna dad badan oo shacab soomaaliyeed ah xabsiyadda dalka itoobiya iyo kiiniya ka buuxiyey,waxaana la aminsan yahay in talaabadaasi ay ka dambeeyaan dawladaha itoobiya iyo kiiniya.
Xilka Qaadista Jeneraal Fartaag ayaa la filaya inay dhacdo maalmaha soo socda intaan lagu dhawaaqin Baarlamaan ku sheega Jabhadda Raaskambooni iyo intaan la soo dhisin golaha wasiiradda,waxaana la sheegayaa in marka uu Axmed Madoobe gaaro magaalada kismaayo maalmaha soo socda Jeneraal Fartaag ku qancin doono inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Raaskambooni ahna wasiirka arrimaha gudaha.
Dhinaca kale Madaxweyne Faroole ayaa shaaca ka qaaday inuu Magaalada Bosaaso ka diri doono ciidamo gaaraya 1500 oo askari kuwaasi oo tababaran la dagaalanka argagixisadda isla markaasna ay tababareen shirkadihii Ajaaniibta ahaa ee ay ka mid ahayd Shirkadii Sarecan ee macdan qodista ka waday degaanadda Puntland.
Ciidamada ayaa la xaqiijinayaa inay ku hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo badan isla markaasna waxaa la shaacinaya in lagu soo qaadi doono Markab nooca dagaalka ah oo ciidamada dawlada kiiniya leeyihiin kaasi oo lagu wado inuu dhawaan u ruqaansado Magaalada Bosaso si uu uga soo qaado ciidamadaasi iyo sanadooda mileteri.
Ugu dambeyntii waxaan la aqoon meesha uu abaari doono jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaciil Fartaag oo wajahi doono maadama beesha uu ka soo jeeda shaacisay inuusan matalin Beesha Sade isla markaasna uu yahay shaqsi dhuuni raac ah taasi oo danihii laga laha oo dhan lagu fushaday isla markaasna banaanka loo tuuri rabo dhawaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com