Nicalos Key Oo Sharuud Ku Xirey In La Cafiyo Shiikh Xasan Daahir

0

Nicholas-Kay.Muqdisho(AGGM) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicolas Key ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys la cafin karo haddii uu ka tanaasulo Fikirka Xagjirnimo ee Al Shabaab isla markaasna uu dhinac ka raaco shacabka soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu dhex nool bulshadda inteeda kale.

Nicolas Key oo booqasho gaaban ku jooga Magaalada London ee dalka Britain ayaa ka hadlay Xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya. Nicalos waxaa uu sheegey inay guul tahay hadii Xasan Daahir fekerkaas qaloocan ka tanaasulo.

Mr Key ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ahaa Hoggaamiye Sare oo ka tirsanaa Al Shabaab marna uu hoggaaminayay Xisbi Siyaasadeed oo Urur diimeed dowladda ka soo horjeeda ahaa. Waxaana uu sheegey in Xasan Daahir uu yahay  shaqsi soomaali ah isla markasna xumaantii uu geystey haduu ka tanaasulo caalamka meesha uu doono ku noolaan karro.

Wareysi uu siiyay qeybta Ingilishka Nicolas Key ayuu ku sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu yahay Hoggaamiye Xag jir ah ,isagoo intaasi kudaray in Hoggaamiyaal Xasan Daahir uu ku jiro ay Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka ay saareen Xayiraad ku aadan in aanu duulimaad ugu bixi Karin  dalka dibaddiisa.

Ugu Dambeyntii Nicolas Key ayaa carabka ku adkeeyay In uu soo dhaweynayo isi soo dhiibista Sheekh Xasan Daahir Aweys hayeeshee lacafin karo haddii uu ka soo weecdo fikirka Xagjirnimada ah ee Ururka Al Shabaab. Waxaana uu sheegey in cid kasta oo ka soo baxda Alshabaab cafis loo fidinayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com