Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa sheegay inuu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo uuna wado abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado Kismaayo oo dhawaan laga saaray.
Col. Bare Hiiraale oo u warramayay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isaga iyo xubno la safnaa ay dhawaan xeelad dagaal uga baxeen magaalada Kismaayo.
“Waxaan ku suganahay deegaan 5-km u jira Kismaayo, qorshahayguna waa inaan dib Kismaayo ugu qabsado xoog, maadaama Kenya xoog iiga soo saartay,” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale oo eedeyn u jeediyay ciidamada Kenya.
Col. Bare ayaa eedeeyn kulul u jeediyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM kuna eedeeyay inay gacan ku siiyeen ciidankii ay la dagaalameen dagaalkii ay kula jireen, isagoo xusay inay iyaga yihiin kuwa ka saaray magaalada.
“Deegaanka aan ku sugannahay waxaa ka talisa Al-shabaab, haddana isku cadow ayaan noqonnay,” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale oo sheegay inuusan la kulmin wax ka tirsan mas’uuliyiinta Al-shabaab, sidoo kalena aysan qayb ka ahayn abaabulka dagaal ee uu wado.
Col. Bare Hiiraale ayaa sidoo kale sheegay inuusan ka tanaasulayn mowqifkiisa ku aaddan inuu dagaal ku galo Kismaayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo xilliga uu qorsheynayo inuu dagaal ku qaado Kismaayo.
Isku soo wada duuboo ma ay ahan marki ugu horeeysay oo ciidamada Col Bare Aden Shire laga saaro magaalada Kismaayo balse mar walba Col. Bare ayaa waxaa u suuragasha in uu noqdo gacanta guusha ku dambeeysa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com