Taliska Amisom Oo Shaaciyey Inay Fuliyaan Go,aankii Dawladda Ka Soo Baxay

0

col_cali_aadan_xaamud__2Muqdisho(AGGM) Taliska ciidamada Amisom ayaa caawa shaaciyey inay fuliyaan go,aamadii dawlada federaalka ka soo yeeray ee ku aadanaa in la bedelo ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana arrintaasi ka war bixiyey Afhayeenka Taliska Amisom ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Midawga Afrika Col Cali Aadan  Xaamud oo caawa Idaacadda VOA-da la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku khasban yihiin inay fuliyaan Go,aamadda ka soo baxay dawlada federaalka ee soomaaliya isla markaasna ku aadan eedeymaha loo soo jeediyey Ciidamada kiiniya ee ka hawlgalaya magaalada kismaayo.

Col Xaamud waxaa uu shaaciyey in dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay xaq u leedahay in la fuliyo wixii cabasho ay ah ee ka soo baxa isla markaasna dawlada federaalka ah u cuntami waaya,waxaana uu sheegay in ciidamada Midawga afrika u joogaan dalka soomaaliya qaab nabad ilaalin ah.

Waxaa hadalkan imaanaya xilli Masuuliyiinta dawlada federaalka ah ee soomaaliya taliska ciidamada Amisom u geeyeen Filimaan laga soo duubay ciidamada dalka kiiniya oo dagaalkii kismaayo toos ugu jira iyo Diyaaradahooda dagaalka oo toos u duqeynaya talisyo ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa eedeymaha loo jeediyey Kiiniya sii fashilay markii maanta Afhayeenka ciidamada kiiniya uu si cad u beeniyey inay xireen Sarkaal ka tirsan ciidamadda dawlada federaalka ah ee soomaaliya kaasi oo mudo laba maalin ah u xirnaa Ciidamada dalka kiiniya balse saaka xoriyadiisa siiyey.

Ugu dambeyntii Taliska Amisom ayaa lagu wadaa inuu Maalmaha soo socda soo saaro wareegto ku saabsan in ciidamada kiiniya loo bedelo degaano kale oo ka tirsan gobollada Soomaaliya gaar ahaan gobollada Dhexe,waxaana la sheegayaa in dhawaan talaabadaasi dhaqan gali doonto,taasi oo oo caqabad ku noqoneysa Jabhadda Raaskambooni oo daba fadhiday Ciidamadaasi isla markaasna dagaaladii kismaayo garab ku siiyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com