Kismaayo(AGGM) Taliska ciidamada kiiniya ee dabada ka riixaya Maleeshiyooyinka laga soo aruuriyey Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay ayaa beeniyey inay ka qayb qaateen dagaaladii Magaalada Kismayo iyo Xarigii ay kula kaceen Abaandulihii ciidamada Jubooyinka Jeneraal Cabaas Ibraahim Gurey oo ay dhawaan ka afduubeen Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka ciidamada kiiniya Cyrus Oguna oo saxafada la hadlay ayaa sheegay inaysan wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada kismaayo ka qayb qadaan,waxaana hadalkan imaanaya xilli ay shalay duleedka Magaalada Kismaayo ciidamadoodu duqeyn ka geysteen taasi oo cadeymaheeda loo gudbiyey.
Sidoo kale waxaa ay beenisay dawlada kiiniya inay xabsi u dirtey Col Cabaas Ibraahim Gurey oo ay saxafada oo dhan ka warhayso xarigii loo geystey Jeneraal Cabaas isla markaasna xiriir ay la sameeyeen saxafadu,waxaana arriintaas ceeb iyo xumaan soo wajahda ku tahay ciidamada dawlada kiiniya oo arrimo si cad u cad beeninaya.
Afhayeenka ciidamada kiiniya waxa u sheegey inaysan xirin balse uu cabaas codsaday in la geeyo xarumaha ciidamadiisu ku sugan yihiin,waxaana afhayeenka kiiniya sheegey inay geeyeen magaalada Dhoobley markii diyaaradda cilad ku timi isla markaasna ay markii dambe u gudbiyeen dhinaca Busaar ee gobolka Gedo.
Jeneraal Cabaas ayaa shaaciyey in ciidamada kiiniya xarig kula kaceen isla markaasna sharaftii dawlada federaalka ah ee soomaaliya meel looga dhacay,waxaana cabaas saaka isna ka hadlay saxafada isagoo sheegey inuu dib u helay xoriyadiisa isla markaasna uu hadda ku sugan yahay degmada Ceelwaaq halkaasi oo uu ka wado abaabul ciidan oo ku wajahan gudaha kiiniya.
Ugu dambeyntii ciidamada kiiniya waxaa ku socda dhaleeceyn baahsan oo uga imaanaysa gudaha dalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka,waxaana arrintaasi dhabarjab ku tahay dawlada kiiniya oo daano gaar ah ka lahayd arrimaha kismaayo,waxaana cadaan ah hadii talaabo laga qaado ciidamada kiiniya ee ku sugan kismaayo inaysan Jabhadda Raaskambooni saacado ku soo hakan dooni magaalada kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com