Muqdisho(AGGM) Argagixiso Xasan Daahir Aweys oo xalay la keenay Muqdisho kadib markii laga soo duuliyay magaalada Cadaado ayaa ciidamada Nabadsugiddu xabsiga u taxaabeen.
Warka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Daahir lala xiray horjoogayaal kale oo isaga la socday, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay xarigga horjoogahaasi.
Argagixiso Xasan Daahir ayaa dhawaan naftiisa kala soo baxsaday maleeshiyaadka Shabaab ee uu ka tirsanaa, wuxuuna isu soo dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb fiidnimadii xalay ayaana la soo gaarsiiyay Muqdisho.
Agagixiso Xasan Daahira ayaa ka soo baxdsaday ninka ugu weyn argagixisada dalka soomaaliya ina Godane isla markaasna naftiisa ku door biday inay isu soo dhibaan dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana la sheegayaa inuu Xasan Daahir hadda ku xiran yahay Saldhig ciidamada sirdoonka dalka soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Ugu dmabeyntii ma jiraan cid ka tirsan Masuuliyiinta dawlada federaalka ah oo ka hadashay xariga Xasan Daahir Aweys waxaana la aaminsan yahay in ciidamada sirdoonka dalka soomaali ay doonayaan inay waydiiyaan su,aalo la xiriiraha qorshihiis dambe iyo meesha ay jaan iyo cirib dhigeen kooxdii Alshabaab ugu weyneyd.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduu@gmail.com