Xasan Daahir Oo Lagu Wado In Maanta Muqdisho Loo Duuliyo

0

XasanDaahirMuqdisho(AGGM) Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa la sheegay in maanta lagu wado in loo soo duuliyo magaalada Muqdisho, iyadoo goor dhow la soo saari war murtiyeed ku saabsan heshiis laga gaaray arrintiisa, kadib wada hadalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Cadaado.

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa xaqiijiyay in arrinta Xasan Dahir saaka la soo gaba gabeynayo, isla markaana la isku afgartay, waxaana uu xusay in dhameystir kaliya ay dhiman tahay.

Hagafey ayaa ka gaabsaday inuu carabaabo halka loo duuliyo, hase ahaatee waxaa uu xaqiijiyay in maanta uu deegaanka Ximin iyo Xeeb ka bixi doono

“Saakay ayuu soo gaba gaboobaya waxyaabihii maalmahan laga hadlayay, waa la is afgartay dhameystir kaliya ayaa dhiman, waxaa la isku afgartay in deegaanka Ximin iyo Xeeb ka baxo oo deegaan kale uu aado, hada aniga waxba ma carabaabi karo, waqtiga soo socda ayaa la sheegaya, xaqiiqdii go’aan iyo qoraal heshiis ah wali ma soo bixin”ayuu yiri Hagafey oo saakay la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyay in meesha loo soo duulinayo ay tahay magaalada Muqdisho ayuu ku gaabsaday in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo madaxdiisa, magaalo Soomaaliyed, isla markaana ay macquul tahay, hase ahaatee taa macnaheeda aanu aheyn go’aanka doonistiisa.

Dhinaca kale Afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye ayaa sheegay in arrinta ay meel wanaagsan mareyso, isla markaana hadii aanay waxba is bedelin ay maanta Xamar imaan doonaan.

“Wixii la soo maray lagama hadlaayo, hadaan wax is bedelin xamar ayaa maanta laga yaabaa inaan imaano Muqdisho”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Wada hadaladii labadan maalmood ka socday magaalada Cadaado ayaa ahaa kuwo aad u adkaa oo dhowr jeer uu hakad galay, markii la isku afgaran waayay qodobada qaar, iyadoo Xasan Dahir uu ka biya diiday inuu Muqdisho ka dego.

Si kastaba ha ahaatee maanta ayaa la filayaa in kama dambeys wafdiga dowladda ay Muqdisho u soo duuliyaan Xasan Dahir, hadii aanay waxba is bedelin, inkastoo la sheegayo in is afgarad laga gaaray waxyaabihii maalmahan laga hadlayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com