Col Bare Hiiraale '' Adeer Magaalada 90% Anaga Gacanta Ku Hayna,Dagaalkuna Waa Gabaabsi '

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ayaa ka hadlay dagaalo culus oo saaka ka socda gudaha kismaayo iyo degaanada xeebta ah,waxaana uu sheegey in la soo afjaray dhamaan kooxihii doonyaha lagu soo daad gureeyey isla markaasna ciidamada Maamulkiisu ay kala cariyeen kooxaha doonyaha lagu soo qaaday.

Dhinaca kale waxaa uu sheegey inay jiraan kooxo soo weerartey dhinaca Xaafada Siinay  gaar ahaan agagaarka Warshada hilibka,waxaana uu sheegey in kooxdaasi la kala buriyey isla markaasna gacanta loo dhigey qaar maxaabiis ah,waxaana uu shaaciyey inuu galabta saxafada u soo bandhigi doono.

Col Bare hiiraale waxaa uu daboolka ka qaaday inuu dagaalkan soo afjari doono saacadaha soo socda isla markaasna aan lagu arki doonin hal ruux oo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni,dhinaca kale waxaa uu shaaciyey in ciidamadoodu ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay ku weeraraan degaanada ku dhaw dhaw magaalada kismaayo halkaasi oo uu sheegey inay weerarada ka soo abaabulayaan.

Dhinaca kale dagaaladan ayaa ah kuwo xoogan isla markaasna kooxaha dagaalamaya isu adeegsanayaan madaafiic aad u culus ,waxaana la sheegayaa in shacab badan waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaareen kuwaasi oo dhaawacoodu daadsan yahay isbitaalka magaalada kismaayo halkaasi oo aysan ool wax daawo ku filani.

Ugu dambeyntii dagaaladan oo ah kuwo socda isla markaasna u muuqda kuwo la soo afjarayo saacadaha soo ayaa la filayaa in dhamaan kooxaha jabhadda raaskambooni ee ku sugan nawaaxiga jaamacadda kismaayo weera lagu qaado isla markaasna aysan isa soo abaabulin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com