Warbixin Kooban: Jabhadda Raaskambooni Oo Ciidamo Doonyo Si Tahriib Ah Ugu Soo Guraya

0

531Kismaayo(AGGM) Wararka laga helayo Magaalada kismaayo ayaa sheegaya in Jabhadda Raaskambooni oo maanta laga wareegey inta badan magaalada kismaayo ayaa la sheegaya inay gargaar dalab u dirsadeen kooxo iyaga ka tirsan oo ku sugan jasiiradda Kudhaa kuwaasi oo Falaagada Alshabab ka soo baacsadeen Jasiiradda Raaskambooni maalmihi la soo dhaafay.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay doonyo caawa ka soo fuleen Jasiirada Kudhaa isla markaasna si tahriib ah la doonayo in lagu soo galiyo magaalada Kismaayo,waxaana warkaasi ka war halay Maamulka Jubbaland gaar ahaan dhinaca Bare Hiiraale,waxaana la sheegay inay ciidamo dheeri ah u direen dhinaca xeebaha Macmalka ah ee ku yaala xaafadaha kismaayo si looga hortago ciidamada jabhadda Raaskambooni.

Dhinaca kale ciidamada Daacadda u ah Col Bare hiraale ayaa la sheegayaa inay Xafiisyadii Maamulka Jabhadda Raaskambooni ka soo saareen waraaqo sir ah isla markaasna ahaa dukumentiyo ku saabsan danaha dawlada kiiniya ka leedahay Gobollada Jubooyinka,waxaana la sheegey inay maalinimada Beri saxafada u soo bandhigi doonaan.

Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay hadda isku aruursanayaa Jaamacadii Kismaayo halkaasi oo ay magan ugu yihin ciidamada kiiniya oo iyagu u qaybiya Saad iyo Rasaas isla markaasna doonaya in dagaalada kismaayo sii socda isla markaasna ay iguna gurtaan dhaqaalaha ka soo xerooda dekadda Kismaayo.

Ugu dambeyntii Maalinimadda beri ah ayaa la aaminsan yahay inuu dhici doono dagaal culus kaasi oo lagu wado inuu ka dhaco nawaaxiga Jaamacada iyo meelo yar yar oo ka tirsan magaalada kismaayo oo ay ku dhumaalaysanayaan kooxaha jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada Daacadda u ah Dhawr masuul oo ku sugan kismaayo isla markaasna ka soo horjeeda jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgaladuud@gmail.com