Saraakiil Nato Ka Tirsan Oo Badda Kulan Kula Qaatey Saraakiil Soomaali Ah ( Sawiro)

0

Ergada-badda-2Muqdisho(AGGM) Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso iyo taliyaha howlgalka ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta ayaa kulan la qaatay Saraakiik ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay dusha markab laga leeyahay Portugal oo ku sugan meel ka baxsan xeebaha badda magaalada Muqdisho.

Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya.isagoo intaa ku daray in Midowga Yurub uu qeyb ka qaadanayo dhisidda iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka burcad badeedda.

Wakiilka ayaa xusay in waxyaabaha wada hadalka ka soo baxa lagu dari doono shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee lagu qaban doono dalka Belgium bisha September ee sanadkan.

Kulankan ayaa noqonayo kii udu horreeyay oo u dhaxeeya saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka dhaca gudaha badda. Waxaana lagu wadaa in ciidamada badda Nato ay tababar iyo qalab u fidiyaan ciidamada badda soomaaliya oo dayacan,waxaana ay balan qaadeen inay iska kaashan doonaan la dagaalanka argagixisada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Ergada-baddaErgada-badda-2Ergada-badda-3Ergada-badda-4Ergada-badda-Admiral-Siad-Deputy-Chief-of-the-Somali-Navy-left-and-Admiral-Bob-Tarrant-European-Union-Naval-Force-Operation-Commander