Naiorbi(AGGM) In ka badan 4 ruux ayaa ku geeriyootay qarax xalay lala beegsaday dad ku sugnaa deegaanka Wajeer gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay wadaan howlgalo lagu badi goobayo kooxihii ka danebeyay falkaasi.
Qaraxa ayaa lala beegsaday dad fiidnimadii xalay ku caweynayay maqaayad ku taala magaalada Wajeer waxaana halkaasi ku nafwaayay ilaa Afar qofood oo Kenyaati ah, lamana garanayo ciddi ka dambeeysay weerarkaasi mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.
Sarkaalka ugu sareeya Booliiska Kenya ee magaalada Wajeer ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan ciddii ka dambeeysay weerarkaasi, isagoo ku gooddiyay in la soo qaban doono sharcigana la marsiindoono.
Qaraxan ayaa dhacay iyadoo magaalada Wajeer ay ka taagantahay xiisado u dhaxeeya Laba beelood waxaana maalintii shalay halkaasi ka dhacay rabshado iyo boob loo geystay goobo ganacsi.
Xiisadda ka taagan Wajeer ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Booliisku ay magaaladaasi ku celiyeen Laba Baabuur oo u socotay Mandheera kadibna gaadiidkii oo baxsanaya ay jiireen Labo haween ah.
Ugu Dambeyntii arrintan amnidarrada ah ayaa loo arkaa iney salka ku heyso colaad u dhaxeeysa Laba Beelood oo wada dega deegaankaasi. waxaana dawlada dalka kiiniya wacad ku martey inay talaabo adag ka qaadi doonto kooxaha dilalka iyo arrimaha falalka amaan darro ka wada gudaha degaanada soomaalida.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com