Qabanqaabada Munaasabadaha 26-ka Luulyo & 1 Juun Oo Ka Socota Dal Iyo Dibeddba

0

somali-flag-in-us_1_36bcdMuqdisho(AGGM) Qabanqaabo iyo diyaargaroow aad u weyn oo loogu diyaargaroobayo xuska Maalmaha Xoriyadda Dalkeenna ee 26ka-June iyo Koowda Luulyo ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha dalka iyo caalamka,  ayadoo Soomaalida guud ahaanba sanadkan ay ugu diyaargaroobayaan si ka duwan sidii loo maamuusi jirey sanadihii hore.

Diyaargarowga lagu maamuusayo xuska sannad guurada 53-aad ee xoriyadda dalkeenna, gaar ahaan markii gobollada Waqooyi ay ka xoroobeen Isticmaarkii Ingariiska, kugu beegneyd markii Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya laga taagay Beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Labaad ee dalkeenna.

Dowladda Federaalka Soomaaliya xuska 26-ka June, iyo Kowda Lulyo waxa ay u saartay guddi Qaran oo heer wasiirro ah, iyadoo gudigaasi uu horey ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed  ee gudaha dalka iyo dibeddiisa ku dhaqan in ay u diyaar garowbaan, isla markaana ay si ka duwan sannadihii hore  u xusaan maalmaha xorriyadda.

Gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa lagu soo warramayaa in ay ka socda  qabanqaabada munaasibadda 26-ka June,  waxaana shacab ka deegaannada kala duwan ee gobolladaasi ay wadaan sidii ay u muujin lahaayeen sida ay ugu weyn-tahay xuska maalinta xoriyadda.

Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ku nool wadamada caalamka, ayaa iyaguna wada qaban qaabo ballaaran oo ay ugu dabaal dagayaan xusmaha26 Jun iyo 1-da Lulyo.

Ugu dambeyntii Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa  lagu wado in laga qabto munaasabadda ugu balaaran ee xuska maalmaha xoriyadda, waxaana qaban qaabada si wadajir ah u waddo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shacabigooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com