Nairobi (AGGM): Hogaamiyeyaasha gobolka woqooyi bari ayaa lagu wadaa in maanta ay la kulmaan madaxwayne Uhuru Kenyatta.
Hogaamiyeyaasha ayaa madaxwaynaha kala hadli doona xaalada Countiyada Mandera iyo Wajeer oo maalmihii igu danbeeyay ay dagaalo ka soo cusboonaadeen.
Hogaamiyeyaashani gobolka wuqooyi bari ayaa sidoo kale maanta u gudbin doona qaraar heshiis ah oo maalintii shalay ahayd lagu saxiixay magaalada tan Nairobi .
Qaraarkani ayaa dhigaya in labada Beel ee ay isku dhacyada ku dhexmareen Countiyada Mandera iyo Wajeer ay xabada joojiyaan Qaraarkani ayaa sidoo kale dhigaya in howlgal hub ka dhigis ah laga sameeyo countiyadaasi.
Dhanka kale waxaa maanta lagu wadaa in ay iska xaadiriyaan xarunta CID ee magaalada tan Nairobi hogaamiyeyaasha laga soo doortay countiyada Mandera iyo Wajeer.
Taliyaha guud ee Booliiska dalka David Kiamyo ayaa u yeeray maalintii shalay ahayd dhamaan hogaamiyeyaasha Countiyada Mandera iyo Wajeer in ay tagaan xarunta CID si su’aalo looga waydiiyo dagaalada Countiyadooda ka socda.
Kimayo waxa uu farta ku fiiqay in ay dagaalada Mandera iyo Wajeer ay salka ku hayaan siyaasada.
Taliyaha guud ee Booliiska David Kimayo ayaa waxa uu sheegay in hogaamiyihii lagu helo in uu ku lug leeyahay iska dhacyada Mandera iyo Wajeer la xiri doono .
Hogaamiyeyaasha Countiyada Mandera iyo Wajeer ee manta lagu wado in ay tagaan CID ayaa wax aka mid ah Govanarada,sanatarada ,xildhibaanda iyo wakiilada haweenka ee countiyadaasi laga soodoorto.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com