Hargeysa(AGGM) Nasriin Maxamed waxa ay jirtaa 6 bilood, waxeyna ku dhalatay miyiga magaalada Boorama ee gobalka Awdal, gabadhaan yar waxa ay dhalatay iyadoo uu xiran yahay godka dabada ee dadka ka saxaroodaan taasoo kamid ah mucjisooyinka uu ALLE SW ummadiisa tusayo si ay ugu waana qaataan iskuna naxariistaan.
Nasriin Maxamed mudadii 6-bilood aheyd oo ay Dunida ku nooleed waxa ay si weyn ugu xanuunsaneysay dhibaatadaasi heysta ee dhanka Saxarada maadaama uu xiran yahay godkii ay ka saxaroon laheyd, waxaana goob kaliya ka wada yimaada Saxarada iyo Kaadida Ilaaheey amarkii, iyadoo ay heysato xanuun aad u daran isla markaana u diiday inay seexato maalin iyo habeen, iyadoo marka ay godka Kaadida loogu tala galay ay ka saxarooneyso laga dareemayo xanuun aan lasoo koobi kareyn ee gabadhaan yar heysta, waxeyna guud ahaan ka go’day quudashada Quutul-daruuriga marka laga reebo Caano yar oo si dirqi ah ay u qaadato.
Gabadhaan yare ee sida weyn ugu xanuunsaneysa magaalada Boorama ee gobalka Awdal, waxa ay ka dhalatay Qoys danyar ah oo iskaba daayee inay Cusbitaal geeyaan aan dabooli kareyn Caanaha yar oo ay ku nooshahay, waxaana maanta Saxaafada usoo bandhigay dhibaatada gabadhaan yar heysata Cabdifataax Axmed Maxamuud oo kamid ah Dadka u ololeynaya sidii gabadhaan yar Cusbitaal Caalami ah loo geyn lahaa loona soo jeexi lahaa godka Saxarada ee dabada oo xiran, kaasoo Hooyada gabadhaan yar dhashay iyo gabadha xanuunsaneysa ee Nasriin Maxamed kasoo kaxeeyay Miyiga galbeed ee Boorama soona dajiyay gudaha magaalada Boorama.
Mudane Cabdifataax Axmed Maxamuud waxuu sheegay in xanuunka gabadhaan yar heysta uu tusay Dhaqaatiirta ka howl-gasha Somaliland intooda badan kuna macneeyeen inuu yahay Xanuunka Fistulaha loo yaqaan isla markaana gudaha dalka waxba loogu qaban Karin una baahan tahay in la geeyo Cusbitaalada dalalka dariska la ah Soomaaliya ee Kenya & Ethiopia si qaliin loogu sameeyo loona jeexo godka dabada ee Saxarada oo ay ku dhalatay isagoo xiran dhibaato weyna ka heysato sidii ay u saxaroon laheyd, waxuuna Walaalaha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Waalidiinta heysta Caruurta oo ah kuwa kaliya ee dareemi kara dhibaatada Waalidnimo ay soo caawiyaan gabadhaan yar ee sida weyn ugu xanuunsaneysa magaalada Boorama.
Walaaal waxii tabarucaad ah oo aad u heli karto gabadhaan yar ee maanta sugeysa caawinaada Ilaaheey dartii ugu dir Xawaaladaha Soomaalida ee xafiisyada ku leh magaalada Boorama ee Somaliland ugu hagaaji Wakiilka gabadhaan yare e xanuunsaneysa si loogu geeyo Cusbitaal looga sameeyo godka Saxarada.
KU HAGAAJI
Cabdifataax Axmed Maxamuud
Tel: 00252634502777
Boorama – Awdal –
AMA UGU DIR ZAAD – 4502777
WAXAAD ILAAHEEY DARTII ULA BAXDAA KUNA CAAWISID GABADHAAN MAANTA CAAWINAADA U BAAHAN MAALINTA QIYAAMO AYAY WAX KU TARI DOONTAA ALLE SW WAXUU YIRI ISKU NAXARIISTA SI AAN IDINKU NAXARIISTO.