Falaagooyinka Raaskambooni Iyo Al Shabaab Oo Xalay Ku Diriray Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

shabaab baraaweKismaayo (AGGM): Xalay saqdii dhexe ayaa dagaalo waxay ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kaasoo dhexmaray falaagooyinka Raaskambooni iyo Al Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Jaamacada Kismaayo oo ku taala woqooyiga magaalada, ayna xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas iyo madaafiic kala nooc ah oo la isweydaarsanayo.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka oo socday muddo saacad ka badan uu bilowday markii xoogaga Al-shabaab ay weeraro ku soo qaadeen fariisimo ciidamada Raaskambooni ku leeyihiin nawaaxiga Jaamacada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jiro war ka soo baxay dhinacyada dagaalamay hase ahaatee xaalada magaalada Kismaayo ayaa degan saaka, iyadoo dadweynaha ay hadal hayaan rasaasta iyo madaafiicda ay xalay maqlayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com