London(AGGM) Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka Iiraan Xasan Rooxaani ayaa sheegay in uu diyaar u yahay In uu muujiyo furfurnaan ku aadan barnaamijka Nukliyeerka ee muranka uu ka taaganyahay ee dalkiisa.
Xasan Ruuxani oo maanta warbaahinta caalamka u qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay ayaa sheegay inay cadaalad daro iyo xaasidnimo ay tahay cunaqabateynta saran dalkiisa,isagoo sheegay in dowladiisa aysan joojin doonin naaxinta macdanta yuraniyomka.
Madaxweyne Rooxaani ayaa meesha ka saaray in dowladiisa ay wada hadalo toos ah la yeelato dowlada maraykanka. Mr ruuxaani ayaa sheegay in dowladiisa la yeelaneeyso wadamada dariska la ah xiriir ku saleeysan is xushmeeyn iyo darsi wanaag.
Wadamada reer galbeedka ayaa ka shakisan in iiraan ay sameeysaneyso hubka nukliyeerka,halka dowlada iiraan ay sheeganeeyso in barnaamijkeeda uu yahay mid ay nabdoon uga faa’ideeysaneyso. Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay rajeyneyso in Mr Rooxani uu ka dhabeyn doono balan qaadkiisii ahaa in uu xalin doono arrimaha uu muranka ka taaganyahay.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka ingiriiska William Hague ayaa yiri “dowlada ingiriiska waxa ay rajeeyneeysa ka dib doorashadii Dr Rooxani ka dib in dowlada iiraan ay qaadan doonto fursada ah inay xiriir wanaagsan la yeelato beesha caalamka,iyadoo dadaal kasta ku bixineeysa in laga wada hadlo arrimaha la xiriira barnaamjikeeda nukliyeerka ,” .
Si kastey ahaataba Madaxweyne Xasan Rooxaani waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan dawladiisu joojin doonin barnaamijka Nukulyeerka ee ay hirgalisay dawladii ka horeysay,waxaana uu shaaciyey inay halkiisii ka sii wadi doonaan isagoo ka jawaabiyey hadal ka soo yeeray dawladaha reer galbeedka oo ahaa in dawladiisu ay beesha caalamka albaabada u furto.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com