Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Ku Qar-Qamay Badda U Dhexeysa Libya Iyo Talyaaniga,Xaalad Adagna Ku Sugan

0

016Tripoli (AGGM) Saddex Donyood oo ay saarnayeen Tahriibayaal Soomaali ah oo gaadhaya ilaa 200 Qof Ayaa Badankoodu ku qaraqmeen  Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga. Waxaana la sheegayaa in dadkaasi ay halis ugu jiraan in baddu liqdo maadama baddu kacsan tahay.

Tahriibayashan ayaa khamiistii waxay  ka baxeen Xeebaha Dalka Liibiya iyaga oo wakhtigaasi doonayey in ay tahriib ku gaalan dalka Talyaaniga, Balse intii ay ku gudo jireen Badda ayaa wax ka hortimid Cilad Farsamo Doonyahaasi ka dhacaday Dhinca mishiinka iyo waliba Badda oo kacsanayed.

Dhamaan dadkan ayaa la sheegayaa inay gabi ahaantooda ka soo jeedaan degaanada Somaliland,waxaana la sheegaya in naftoodu halis ku jirto,waxaan ay xalay waceen ciidamada badda ee wadanka talyaaniga iyo Eheladooda ku sugan Magaalada Hargeysa iyo gobollada kale isla markaasna ku wargeliyeen meesha xaaladooda ku sugan tahay.

Waxaan hadalladooda ka mid ahaa ” “Walaahi Walaal Saddex Doonyood ayaa naga baxay, Saddexdii markii ay Baddii galeen ee Maalin naga maqnayeen ayaa naloo sheegay in ay la soo daristay Cilaado ku yimid dhinaca miishiinada, iyo waliba bada oo kacsaneyd,  65Qof wax naloo sheegay in uu markab uu badbadiyey markabakasi mar wax la leeyahay xagaasi talyaaniga ayuu u qaaday, halka qaarna ay sheegayan in uu dib u soo celiyey, lakiin wax war aha kama hayno kuwaasi, wax kale oo jirta in Doon iyada la soo jiiday oo Xeebta la keeyan basle Dad ayaa ku dhintay doontaasi, dhinca kale Hal Doon ah ayaa la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, lakiin Haddii xaqiiqda aan kusheego dadka waalidiinta ah ee nala soo hadla Niyadaanu u dhisnaa, lakiin adiga wariyaad tahay runtaan ku sheegaya walaal Dhammaan dadkaasi waa wada Reer Somaliland oo waa dhalinyaradii reer Hargeysa, Boorma iyo Burco Cid kale oo ku wehelisaa way yartahay, haddii anay jirinba, Wax kale oo jirta in qolba Meeshanu degen nahay Kolba Qof la soo helay oo laga keenay badda Guriga lanoogu keenayo  marka wax dhintay iyo wax badbadaye way leeyihiin.”

Si kastey ahaataba waxaa laga cabsi qabaa in doonyahaasi ay qar-qamaan isla markaasna ay dadkaas masaakiinta ahi ku geeriyoodaan badweynta u dhexeysa Labada dalka ee talyaaniga iyo liibiya,waxaana la sheegayaa in baddu kacsan tahay,waxaana arrintasi walaac iyo naxdin ku abuurtey shacabka ku dhaqan degaanada dadkaasi ka tahriibeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com