War Deg Deg Ah: Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Madaxweyne Cusub Yeelatey

0

Cbreaking_news-620x3301aabudwaaq(AGGM) Maamulka Ximan Iyo Xeeb oo maalmahan ku hawlanaa Doorashada Madaxtinimada Maamulkooda ayaa maanta si rasmi ah u doortey Madaxweyne Cusub kaasi oo codkii maanta la qaaday si rasmi ah ugu guuleystey,waxaana xilkaasi madaxweyne u tartamay 3 musharax oo ka soo jeeda degaanada ximan iyo xeeb.

Waxaa 3 daasi musharax kala ahaayeen C/laahi Cali Maxame, Cismaan Maxamed Cali,Cali Amiin Sayid Axmed, Waxaana 3 daasi musharax kala heleen codad sidan kala ah:

1-C/laahi Cali Maxamed waxa uu helay 20 cod

2- Cismaan Maxamed Cali waxa uu helay 2 cod.

3- Cali Amiin Sayid Axmed Waxa uu helay 1 cod.

Magaalada Cadaado oo ah xarunta maamulkaasi waxaa hadda ka socda Damaashayo ku aadan Doorashada Madaxweynaha Cusub oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cali Maxamed,waxanaa la sheegayaa in tageerayaashiisu wadooyinka magaalada Cadaado la marayaan calanka Maamulka Ximan Iyo Xeeb iyo Sawirka madaxweynaha Cusub.

Ugu dambeyntii maalmihi la soo dhaafay ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka Maamulkaasi ku hawlanaa qaban qaabada madaxtinimada Maamulka Ximan iyo Xeeb,waxaana ay u muuqataa mid miro dhashay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com