Muqdisho(AGGM) Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa maanta xafiiska xog-heynta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbiyay hindise sharciyeed ay horey golaha wasiirrada ugu soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, kaddibna ay golaha wasiirrada oggolaadeen in la hor dhigo golaha baarlamaanka.
Hindisihan ayaa ku saabsanaa sharciga Maalgashiga dalka oo dhiiragalinaya in dalka oo dhan dadka Soomaaliyeed ay maalgashadaan, waxaana isla maanta loo gudbiyey xafiiska xog-heynta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, si mudaneyaashaay uga doodaan maalmaha soo socda.
Calas Maxamuud Jaamac oo ah xog-haya golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa warbaahinta sharraxaad ka siiyey Hindisha ay gudbiyeen maanta muhiimadda uu leeahay, iyo waxa uu ka koobnaan doono, isagoo xusay in uu horseed u noqon doono sharcigan isbaddel horumarinteed oo dalka ka dhasha.
Calas Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyey in sidoo kale hindisahan uu dhiiragalinayo dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, Soomaaliyana ay uga gudubto caawimaad joogta ah oo la siiyo, si isku filnaansho iyo wax soo saar loo gaaro.
Golaha wasiirrada horoy waxa ay u soo gudbiyeen ilaa Toban Hindise sharciyadeedyo oo ka kala yimid hay’adaha laanta fulinta dowladda, kuwaas oo iyana ilaa dhowr farac u sii kala baxaya, waxaana sharciyadani ay saldhig u noqoyaan sidii waddanka loogu maamuli lahaa sharci iyo kala dambeyn, waddankuna uu noqdo mid si dhaqsi leh ku dhisma.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com